Qarax Miino ayaa goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Xeyle Dariise; jidka Ex. Koontrool Balcad.
Qaraxa oo ahaa miino dhulka la geliyey ayaa lala beegsaday Gaari uu watay agaasime waaxeed oo halkaasi marayey, waxayna waxyeelo kasoo gaaray Mooto Goobta xilligaasi ku sugneyd, iyadoo ay ku dhinteen laba qof, iyadoo uu ku dhaawacmay Askari ka tirsan cidiamada dowladda.
Ciidamada Amiga ayaa gaaray goobta qaraxu ka dhacay, waxayna wararku sheegayaan in qaraxa lala beegsadya Gaari uu watay agaasime waaxeedka degaanka Daarusalaam oo magaciisa lagu sheegay Axmed Cadde.
Hay’adaha Amniga Dowladda iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaan wax war ah kasoo saarin qaraxa ka dhacay Muqdisho.
