Qarax nooca miinada dhulka la geliyo ah ayaa ka dhacay suuq ku yaala degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, kaasoo dhaliyey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxa ayaa la sheegay in la dhigay Goob lagu qado canshuurta ee gudaha Suuqa Xoolaha degmada Afgooye, xwaxaana la qarxiyey xlli uu Suuqa ahaa mid mashquul ah, iyadoo lala beegsadya Ciidamada Canshuurta qaada ee ka howlgala Suuqaasi.
Wrarka ayaa sheegyaa inu qaraxu sbaabay Geerida qof shacab ah, iyadoo ku dhawacmeen dhowr qof oo kale, waxaana sababay in lagu kala carro suuqa, iyadoo uu ganacsigu istaagay muddo kooban.
Ciidamada AMniga ayaa gaaray goobta qarax ka dhacay, mana jirin cid loo qabtay qaraxa oo la sheega in habeenimo lagu aasay goobtaasi.
