Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa qarax loo adeegsaday Gaari nooca NISSAN SURF oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarax oo maanta ka dhacay  maqaayad laga cunteeyo oo ku taalla agagaarka wasaaradda Amniga ee magaalada Muqdisho, kana soo horjeeda wasaaradda dhalinyarada iyo isboortiga.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ugu yaraan 7Â qof ay ku dhimatay qaraxa oo ka dhacay maqaaayada iyadoo gaariga qarax siday lagu dhuftay halkaasi.
Qasaaraha oo laga yaabo inuu sii kordho ayaa waxaa kaloo ku dhaawacmay 13 qof, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka iyo saraakiisha gaadiidka gurmadka.
Goobta qaraxu ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamada ammaanka iyadoo bubur xoog leh uu soo gaaray maqaayada iyo dhismeyaashii u dhowaa.
Goobjooge.com