Faahfaahin dheeraad aya ayaa laag helayaa qarax Miino saaka ka dhacay degaanka Lafoole ee duleedka magaalada Muqdisho.
Qaraxan oo ahaa miino dhulka la geliyey ayaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa bar Kontarool oo degaanka Lafoole ku taalla, waxaana ka dhashay qasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh.
Dadka egaanka ayaa sheegay inuu qaraxa ka dhacay halka loo yaqaan Shanta golaha sare, oo ciidamada ay ku leeyihiin bar koontarool, iyadoo Alshabaab ay sheegteen inay qaraxaasi ka dambeeyeen.
War kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa ku dileen ugu yaraan 2 askari, ayna ku dhawacmeen tiro kale, iyadoo qaraxa lagu qaaday goob lacag baad a h ay ciidaamada dowladda uga qaadaan gaadiidka sida lagu yiri warka Alshabaab.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay cidiamada dowladda iyo madaxda deganka Lafoole ee Gobolka Sh/hoose.
