Sunday, June 29, 2025

Faahfaahin: Qarax Miino oo ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Qasaaraha ka dhashay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kaso baxeysa qarax caawa ka dhacay agagaarka Isgoyska KM 4 ee magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa miinada wadooyinka la dhigo.

Qaraxa oo ahaa mid xoog leh oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lala beegsaday gaari nooca aanay rasaastu karin ee ‘Bulletproof’, kaasoo dadkii la socday ay ka badbaadeen laakiin qasaare soo gaaray.

Qaraxa ayaa ahaa Miino wadadda dhinaceeda la dhigay oo burbur u geysatay dukaamo wadadda dhinaceeda ku yaallay, waxaana ku dhintay qof, halka ay ku dhaawacmeen saddex qof oo meesha ka dhowaa, lana socday Mooto Bajaajyo.

Weli ma cadda mas’uulka qaraxa lala beegsaday ee lehGaariga qaraxa lala beegsaday, iyadoo warar kala duwan oo aan la xaqiijin kasoo baxayaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON