Sunday, July 6, 2025

Faahfaahin: Qarax Muqdisho ka dhacay oo lagu beegsaday Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha

Qarax nooca miinada ah ayaa lala beegsaday agaasimaha Hay’adda Jinsiyadaha iyo Socdaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi.

Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska KM4 waxyar kadib markii uu kasoo baxay Hotelka Afrik ee halkaasi u dhow, waxayna wararku sheegayaan inuu ka badbaadaay agaasime Koofi, balse ay dhaawacyo soo gaareen ilaaladiisa qaar ka mida.

Waxaa Miinada la dhigay wadadda dhinaceeda iyadoo la qarxiyey markii uu halkaasi kusoo beegmay gaariga Agaasimaha Hay’ada Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi). Agaasime Koofi ayaa sheegay inuu ka badbaaday Qaraxa loola dan lahaa in lagu khaarijiyo.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Askari ka mid ahaa ilaalada Agaasimaha ayaa la xaqiijiyey inuu ku dhintay qaraxa, waxaana jira dhaawacyo.

Agaasimaha Hay’adda socdaalka

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON