Tuesday, June 24, 2025

FAAHFAAHIN: Qaraxii ugu weynaa oo lala beegsaday hoteelada SYL & Siyaad ee Muqdisho

Qarax aad u weyn oo sababay qasaare fara badan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho iyadoo lala beegsaday Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday Gaari xamuul ah oo weyn oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, isagoo ka yimid dhinaca sayidka, isagoo la sheegay in askarta ay soo ceyrsatay oo rasaas ku soo rideen.

Gaariga ayaa ku qarxay iridka madaxtooyada iyo Hotelka SYL oo dhinaca ku haya Hotelka kale ee Sayidka, waxaana burbur weyn gaaray labada hotel iyo dadkii ku jiray, waxaana gebi ahaanba burburay dhismooyinka ku teedsan wadadda Madaxtooyada.

Dad badan oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ayaa dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray qaraxan oo lagu tilmaamay kii ugu weynaa muddooyinkan

Faahfaahin kalela soco…

Goobjoog.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON