Sunday, July 13, 2025

Faahfaahin: Qaraxyadii Muqdisho oo lagu dilay Dad shacab ah, laguna dhaawacay Guddoomiye ku xigeen degmo

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa qaraxyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo sababay dhimasho iyo dhaawac mas’uul ka tirsan maamulka G/Banaadir, iyadoo dad shacab ah uu kasoo gaaray qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxyada ayaa ka kala dhacay xaafadda Xoosh ee Dharkeynley iyo isgoyska Ex-Control Balcad ee magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxa xaafadda Xoosh lala beegsaday Gaari uu saarnaa gudoomiye ku xigeenka degmada Kaxda Cabdinaasir, kaasoo dhaawac culus kasoo gaaray, waxaana ku dhintay 2 askari oo ka mid ahaa ilaaladiisa, halka saddex qof oo shacab ahna ay ku dhaawacmeen.

War kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayey ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxa lala qaaday beegsaday guddoomiye ku xigeenkii dhinaca Amniga iyo siyaasadda degmada Kaxda C/naasir Xasan Cali.

Dhinaca kale miino ayaa loo dhigay kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM oo mareyay isgoyska Ex. Kontrol Balcad, waxaana qaraxa kadib rasaas ay fureen ciidamada AMISOM ku dhintay 3 qof oo shacab ah, iyadoo ay ku dhaawacmeen 5 kale, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay inay qasaare kasoo gaartay qaraxa, waxayna muddo badan ku sugnaayeen goobta uu qaraxu ku haleelay, iyadoo ay dalbadeen ciidamo gurmad ah, waxaana xirmaray isku socodkii dadka iyo gaadiidka. Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay inuu qasaare kasoo gaaray qaraxa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON