Saturday, July 12, 2025

Faahfaahin: Qaraxyo gilgilay Saldhig ay Duleedka Balcad ku leeyihiin Ciidamada AMISOM

Qaraxyo xoog leh ayaa gilgilay saldhiga ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin duleedka degmada Balcad ee Gobolka SH/Dhexe.

Wararka laga helayo Balcad ayaa sheegaya in qaraxyada ay ka dhasheen Dab qabsaday Saldhigga AMISOM ee degaanka Haanta Sheeikh ee dhinaca Waqooyi uga beegan Degmada Balcad.

Dabka ayaa ku fiday Saldhigga iyo Bakhaaradii Hubka ee AMISOM, wuxuuna dhaliyey qaraxyo xoog leh oo degaankaasi saameeyay. Qasaare badan ayaa soo gaaray Saldhiga Hubka, lamana oga inay jiraan askar wax ku noqotay.

Dadka degaanka ayaa markii hore u qaatay inuu dagaal ka socdo saldhigga, kadib qaraxyada laga maqlay halkas, waxaase markii dambe lagu guuleystay in dabka oo ka kacay Korontada Saldhigga la damiyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON