Friday, June 27, 2025

FAAHFAAHIN & SAWIRRO: Qasaaraha qarixii ka dhacay Xarunta Gaadiidka Booliska Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa qarixii saaka ka dhacay xarunta gaadiidka Booliska degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho kadib markii gaari nooca NISSAN SURF ah oo la dhigay albaabka xaruntaasi uu ku qarxay halkaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska iyo ciidamo ayaa la sheegay inay ku dhinteen qaraxa, iyadoo qasaare kale kasoo gaaray dadweyne goobta ku sugnaa. Saraakiisha goobta ku dhinta ayaa gaaraya saddex sarkaal oo aan magacyadooda la baahin. Waxaa kaloo dhaawacyo ka soo gaareen dadweyne dhaawacyadooda la geeyay isbitaalada.

Ninkii waday gaariga qarxay ayaa la sheegay dhaawac culus uu noqday isagoo iska furay gaariga kana degay, waxaana xaaladiisa lagu tilmaamay mid halis ah, sida ka muuqata sawirrada hoose qaraxa ayaa gaariga ka qabsaday dhinaca danbe.

Taliyaha Ciidanka Boliska Gobalka Banaadir Gen Cali Xirsi Barre oo Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA kula hadlay Goobta Qaraxu ku dhacay ayaa sheegay in bartilmaameedka Gaarigu uu ahaa Hoggaanka Gaadiidka Booliksa Soomaaliyeed oo Tababar ay ku qaadanayeen Ciidamo iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska.

Qaraxan ayaa imaanaya xilli ciidamada Booliska lagu wareejiyay qeyb ka mida ammaanka magaalada Muqdisho oo qaraxan si toos ah loola beegsaday.

SAWIRRO

Qaraxa

qaraxaa

Qaraxaaa

Qaraxaaaaa Sawirrada: SONNA

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON