Thursday, June 26, 2025

Faahfaahin: Qasaare ka dhashay Weerar Bam oo ka dhacay Magaalada Kismaayo

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay weerar loo adeegsaday Bam gacmeed oo xalay lagu qaaday goob ay ciidamada amniga ku lahaayeen xaafadda Kuba e magaalada Kismaayo.

Maamulka Jubbaland ayaa xaqiijiyey inay qaraxa ku dhawaacmeen Shan qof, kadib markii Bam gacmeedka uu ku qarxay meel u dhow barta ay ciidamada joogeen iyadoo dadka dhaawacmay ay u badnaayeen shacab.

Ciidamada amniga ayaa eryaday qof oo looga shakiyey inuu ka danbeeyay qaraxaasi waxaana dhacday rasaas lagu furay qofkii laga shakisnaa, waxaana baaritaan laga sameeyay degaankaasi, inkastoo aan lagu guuleysan in qofkaasi la qabto, balse waxaa howlgalka lagu ururiyay dhalinyaro goobta ka dhoweyd.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku soo batay qaraxyada Alshabaab ka fulineyso iyadoo dhowaan ay ahayd markii qarax is-miidaamin ah lagu dilay guddoomiyihii rugtii Ganacsiga Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON