Rasaas ayaa caawa ka dhacday xarunta doorashada magaalada Jowhar oo ay ka socotay doorashada kursi ka mida aqalka hoose.
Wararka ayaa sheegaya ayaa in rasaas xoog leh aga maqalay afaafka hore ee xarunta ay doorashada Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ay ka dhacaysay.
Is-rasaaseynta ay ka bilaabatay muran ka dhashay doorasho mid ka mid ah kuraasta aqalka hoose oo ay ku tartamayeen beesha Gugundhabe. Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga ee dowlada federalka ayaa la sheegay in uu ka mid ah mushrixiintii doorashadan ku tartamaysay.
Kursigan waxaa ku tartamayay Wasiirka Dhalinyarada iyo isboortiga Maxamed Xasan Nuur iyo Labo Musharax oo kale. Wareega koowaad ayaa Wasiirka Dhalinyarada looga cod badiyay, isagoo uu helay 21 cod, halka Musharaxa kale uu helay 24 cod, Musharaxa saddexaad ayaa wareega koowaad ku haray, isagoo helay 7 cod.
Wasiir Nuux ayaa la sheegay inuu xaqiiqsaday in looga adkaanayo doorashada, taasoo keentay inuu ka baxo doorashada, lana damiyo nalalkii goobta doorashada. xaaladda ayaa markii isu bedeshay rasaas xoog leh uu ka bilowday albaabka xarunta doorashada ee magaalada Jowhar oo ay isku fara saareen ilaalada wasiirka iyo ilaalo kale oo musharixiinta ay wateen.
Illaa iyo hadda lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalkan. waxaana xaaladda ay tahay mid adag, waana doorashadii ugu horeysay ee rasaas la isu adeegsado..
Goobjooge.com