Sunday, July 13, 2025

Faahfaahin & Sawirro laga helay Haweeney lagu toogtay Baardheere. [Ma ahayn is-miidaamiye]

Faahfaahinn dheeraad ah ayaa laga helay Haweeney ay warbaahinta dowladda sheegtay inay maanta isku qarxin rabtay Ciidamada Booliska Saldhiga degmada Baardheere oo ay Bam ku weerartay, balse ay toogteen ciidamada, iyadoo laga xiray waxyaabo qarxa.

Taliyaha AmnigaBaardheere Xuseen Maxamed Xasan ayaa sheegay in Haweeneydan aysan xirneyn waxyaabaha qarxa oo kaliya ay Bambooyin ku weerartay ciidamada ilaalada Saldhiga degmada Baardheere, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya inay is-miidaamiye ahayd.

Qaraxa bambo ay tuurtay ayaa dhaawacday laba askari oo ka mid ahaa Ciidamada ilaalada saldhiga Booliska degmada Bardheere, laakiin dhaawacooda uu yahay mid fudud.

Meydka haweeneyda ayaa waxaa ka muuqda inay ahayd haweeney meel dhexaad ah oo wadatay jalbaab madow, mana jirin waxyaabo qarxa oo laga helay jirkeeda sida ay hore u shaacisay warbaahinta Dowladda Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON