Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Sare C/Xakiim Yuusuf oo ka mid ahaa saraakiishii ku suganeyd Xeradda ciidamadda Birmadka ee magaalada Boosaaso oo maanta is rasaaseyn ka dhacday ay ku dhaawacmeen saraakiil iyo wasiirkii Amniga Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay shilkii dhacay.
Isagoo wareysi siiyay Idaacadda Daljir ayu sheegay in falku ku dhacay si mas’uuliyad darro ah oo askari xabad riday kadibna ciidamada iyo ilaalada mid waliba xabad furay, wuxuuna sheegay in laba sarkaal xaalkoodu darran yahay, wasiirkuna dhaawaciisu aanu adkeyn oo xabadu ka dustay bowdada.
Dadka dhaawacmay waxaa ku jira taliye ku xigeenka Birmadka oo wararka qaar ay hadda sheegayaan inuu geeriyooday.
DHAGEYSO WAREYSIGA TALIYAHA
Goobjooge.com