Wednesday, June 25, 2025

FAAHFAAHIN: Taliyihii Maleeshiyada Ahlu suna oo maanta lagu dilay Dagaalkii Godinlabe

Wararka laga helayo Goboka Galgaduud ayaa sheegaya in taliyihii ciidamada Ahlu Sunna uu ku dhintay dagaalkii ay maleeshiyadiisu la galeen ciidamada Galmudug ee maanta ka dhacay degaanka Godinlabe.

Taliyaha ciidamada Ahlusuna oo lagu magacaabi jiray Axmed Maxamed Odawaa (Axmed Dheere) ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay dagaalkii  Godinlabe ee Gobolka Galgaduud markii rasaas culus haleeshay.

taliyaha-ahlusunaDagaalka muddo laba jeer ah la isku noqody ayaa markii danbe Ahlu suna laga saaray galabta iyadoo ay dib ula wareegeen ciidamada Galmudug, waxaana maleeshiyad Ahlu suna ay weerar ku qaaday Godinlabe Duhurtii iyadoo gacan siineysa maleeshiyo degaanka ah oo Isbaaro dhigatay  halkaasi.

saraakiil ka tirsan Ahlu sunna ayaa sgeegay in taliyaha uu ku dhaawacmay dagaalka, balse aanu ku dhiman, saxaafaddana uu la hadli doono.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON