Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay xiray wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho.
Gaadiidka ayaa loo diiday saaka adeegsiga wadooyinka waaweyn, iyadoo dadweynaha ay lug ku marayaan wadooyinka xiran oo ay ka mid yihiin: Isgoosyada Ex-kontorool Afgooye, Banaadir, Soobe, iyo wadadda muhiimka ahee Waddada Maka Al-Mukarrama.
Sababta loo xiray wadooyinka ayaa lagu sheegay in madaxda Dowladda Soomaaliya ay dhagax dhigaan mashaaruuca dhismaha jidka asku xira Afgooye iyo Muqdisho oo dowladda Qatar ay maalgelineyso; kaasoo in muddo ah dib u dhacay.
Ra,iisal wasaare Xasan cali Kheyre ayaa lagu wadada inuu dhagax dhigo dhismaha wadadda Afgooye.
Dowladda Qatar ayaa balanqaaday in ay dhisi doono wadooyinka Magaalada Muqdisho ee Balcad iyo Afgooye.