Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo dalka Kenya ayaa sheegaya inuusan weli kala caddeyn xaaladda saldhigga saldhigga Magogoni ee ciidamada Kenya iyo Mareykanka ku leeyihiin xeebta Lamu.
Afhayeenka ciidamada Kenya ayaa sheegay inay dib u caabiyeen weerarka Alshabaab ayna halkaasi ku dileen afar ka mida maleeshiyada Alshabaab, wuxuuna intaas ku daray inaysan jirin qasaare soo gaaray ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya.
Alshabaab ayaa sheegatay in weerarka oo ku bilowday Qarax is-miidaamin ah uu geystay qasaare fara badan, iyadoo lagu burburiyey diyaaro saldhigga yaallay, waxayna intaas ku dareen inay qabsadeen qeyb ka mida saldhiga.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay u yeerteen diyaaradaha dagaalka si ay u difaacaan saldhigga oo ah kan ugu weyn ee xeebta ku yaalla, ayna ku sugan yihiin ciidamo Kenyan iyo Mareykan isugu jira.
Afhayeenka Alshabaab ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka ay ku qaadeen Saldhigga ciidamada Mareykanka ee dalka Kenya aanu wax xiriir ah la lahayn xaaladda Bariga dhexe iyo Jeneraalka Iiraan ee ay dileen Mareykanka.