Wednesday, June 25, 2025

Faahfaahin weerar Bam oo lagu qaaday Madaxtooyada Hirshabeelle iyo Qasaare ka dhashay

Weerar Bam oo lagu qaaday Guri ku dhow xarnta madaxtooyada Maamulka Hirshabeelle ee magaalada Jowhar ayaa dhaliyay waxyeelo dhimasho iyo dhaawac leh.

Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Bamka uu ku dhacay guri ku dhegan dhow Madaxtooyada Hirshabeelle ee xarunta u ah madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble.

Gabar dhowr bilood jir ah ayaa ku dhimatay qaraxa, waxaana ku dhaawacmay hooyadeed oo ay wada joogeen, waxaana goobta ka baxsaday kuwii weerarka ku qaaday goobtaasi. Waxaa guriga ku sugnaa mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Hirshabeelle oo ka badbaaday qaraxa.

Ciidamada maamulka oo uu horkacayo guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre iyo guddoomiyaha ayaa tegay guriga la weeraray, iyagoo baaritaan ka sameeyay, basle ma jirto cid loo qabtay weerarka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON