Sunday, July 13, 2025

Faahfaahin: Weerar culus ee Alshabaab u qabsadeen Saldhigga ATMIS ee CeelBaraf iyo qasaare..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar culus oo maleeshiyada Alshabaab ku qaaday saldhigga Ceelbaraf ee Gobolka Sh/Dhexe.

Weerarka oo dhowr jiho ka yimid ayaa ku bilowday qaraxyo, waxayna dadka degaanka sheegeen inay Alshabaab ku galeen saldhigii ciidamada Burndiga ee CeelBaraf, isla markaana ay saldhigga ka baxeen ciidamadii ATMIS ee ku sugnaa.

Rasaas xoog leh iyo qaraxyo ayaa muddo ka socday Saldhigga ciidamada Burundiga, waxaana jira qasaare xoog leh oo gaaray ciidamada milatariga dowladda iyo kuwa ATMIS.

Alshabaab ayaa sheegtay inay weerarka Ceelbaraf ku dishay in ka badan 59 askari, ayna ciidamadi Burundiga ka firxadeen saldhiggaasi, markii ay la wareegeen maleeshiyada Alshabaab.

Warka Alshabaab kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Aroornimadii hore ee saaka oo talaado ah, 3 May, 2022, ay weerar xoogan ku qaadeen saldhigga ciidamada ATMIS ee deegaanka Ceel-Baraf ee gobolka Sh/dhexe, iyadoo Dagaal xoogan kadib, ciidamada Alshabaab ay cagta mariyey saldhigga, laguna dilay 59 Burundees ah”

Warbaahinta dowladda ayaa shaacisay weerarka, iyadoo sheegtay in dib loo celiyay weerarka Alshabaab ee Ceelbaraf, iyadoo aan bixin wax faahfaahin ah.

Ma jiraan warar madax bannaan oo ka hadlaya qasaaraha ka dhashay weerarka culus ee saaka ka dhacay degaanka CeelBaraf ee Gobolka Sh/Dhexe.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON