Wednesday, June 25, 2025

Faahfaahin: Weerar cusub oo maleeshiyada Alshabab ku qaaday Saldhig u dhow magaalada Gaarisa

Wararka laga helayo dalka Kenya ayaa sheegaya in Alshabaab ay weerar cusub ku qaadeen degaanka Dhadhaab ee Gaarisa, Waqooyiga Bari ee Kenya.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay 4 qof oo shacab ah iyo 2 ka mida maleeshiyada Alshabaab sida ay sheegeen ciidamada Booliska, laakiin Alshabaab ayaa dhinaceeda shaacisay in weerarka ku dileen askar ka tirsan ciidamada Kenya, kuna gubeen xarun isgaarsiin oo ay leedahay shirkadda safaricom.

Taliyaha ciidamada Waqooyi Bari Kenya Paul Soi  ayaa sheegay in weerarka Alshabaab ay la beegsatay xarun isgaarsiin, kadibna ay dagaal la galeen ciidamada Kenya oo dib u celiyey.

 War kasoo baxay Alhabaan ayaa lagu sheegay inay weerar ku qaadeen saldhigga Booliska degaanka Sareedo Bilcaan oo katirsan gobolka Gaarisa, iyadoo weerarka lagu dilay ugu yaraan 2 askari Kenyaan ah.

Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo Alshabaab ay weerar xoog leh ku gashay saldhiga Manda Bay ee gobolka xeebta Lamu, iyadoo weerarkaasi lagu dilay 3 qof oo Mareykan ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON