Thursday, June 26, 2025

Faahfaahin weerarro xoog leh oo Alshabaab ku qaaday Degaanada No. 50 & Muuri

Weeraro xoog leh oo mar qura la qorsheeyay ayaa xalay saqdii dhexe kadib ay kooxda Alshabaab ku qaaday xarumaha ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ee Shabeelada Hoose.

Weeraradan ayaa ka dhacay degaanada No. 50 iyo Muuri, waxaana la soo weriyay  inay ku dhinteen 6 qof oo askar u badan iyadoo lagu gubay dhowr guri oo ku yaala degaanka No. 50.

Alshabaab ayaa sheegaya in weeraradaasi ay ku qabsaday degaanada No. 50 & Muuri, isla markaana ay qabsadeen Gaari Carib ah, waxayna intaas ku dareen inay dileen askar ka tirsan ciidamada dowladda.

Dadka degaanka No. 50 ayaa sheegay in baasuuke ay Alshabaab ku soo rideen degaankaasi uu baab’iyay dhowr guri oo ku bas beelay degaankaasi.

Xaaladda ayaa kacsan iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay difaac ku jiraan, mana jiro wax war ah oo ka so baxay dhinacooda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON