Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weriye ka mida saxafiyiinta ka howlgala magaalada qarax loogu xiray Gaarigiisa.
Weriyahan oo lagu magacaabo Feysal Cumar Xaashi, isla markaana ahaa sawirqaade la shaqeeya wakaalada wararka Reauters ayaa caawa ka badbaaday qaraxa loogu xiray Gaarigiisa.
Weriyaha ayaa xilliga qaraxa dhacay wuxuu galay Dukaan uu wax ka iibsanayay, waxaana uu si dirqi ah uga badbaaday qaraxa loogu talogalay in lagu dilo, kadib markii uu gaarigiisu qarxay xilli uu markaasi uun ka degay.
Muqdisho ayaa hore loogu dilay tirada ugu badan ee weriyeyaaha ka howlgala magaalada Muqdisho, iyadoo inta badan lagu eedeeyo inay falalkaasi ka danbeysay Alshabaab.
Goobjooge.com