Xildhibaan ka tirsanaa ka tirsan Baarlamaanka Federaalk, horena u soo noqday wasiirka arrimaha Gudaha dowladii KMG ahayd ayaa la baahiyay in lagu weeraray degaanka Godinlabe ee duleedka magaalada Cadaado.
C/samad Macalin Maxamuud iyo odayaal la socday oo ka yimid Dhuusamareeb kuna socday magaalada Cadaado ayaa ayaa warbaahinta qaar ay faafiyeen inla weeraray oo uu dib ugu laabtay Dhuusamareeb.
Ugaas Cali Xaashi oo ka mid ah Odayaal la socday Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud oo ayaa beeniyay wararka sheegaya in la rasaaseeyay Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud.
Ugaaska ayaaa sheegay in uu caafimaad qabo Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud, sidoo kalena uu si nabad gelyo ah ay ku yimaadeen Magaalada Cadaado.
Ugaas Cali Xaashi ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in la rasaaseeyay Gaari ay wateen Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud iyo Waxgarad la socday, isagoo sidoo kale sheegay in arrimahaasi ay yihiin kuwo aan loo meel dayin.
Xildhibaanka ayaa gacan saar la leh kooxda Ahlu sunna, waxaana dhowaan loo adkaaday tartankii kursiga aqalka sare oo uu isu taagay magaalada Cadaado.
Goobjooge.com