Monday, June 23, 2025

Faarax Macalin: “4-ta Nin ee heshiiska saxiixay waxay ka yimaadeen Itoobiya, sharciyadna ma heystaan”

Siyaasiga Reer W/Bari Kenya ee hore u soo noqday guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin ayaa si weyn dhaliilay heshiiskii Nairobi ku dhex maray Axmed Madoobe iyo siyaasiyiinta kasoo horjeeday.

“Midkoodna Afartan saxiixe wax sharciyad ah kuma laha Jubbaland, waxay ka yimaadeen Dowladda Degaanka Soomaalida Itoobiya. Kaliya dadka degaanka kasoo jeeda ayaa go’aan ka gaaari kara mustaqbalka degaankaasi” ayuu yiri Faarax Macalin oo heshiiskii Nairobi ku tilmaamay dad ajnabi ah oo dal ajnabi ah ku heshiis ku galay, kaasoo quseeya dal kale oo madax bannaan.

Faarax Macalin oo ka mida taageerayaasha waaweyn ee Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal kale isku weydiiyay su’aasha ah: “Sidee sarkaal ka tirsan Liyu Booliska Jigjiga uu isla markiiba Xildhibaan uga noqon karaa Baarlamaanka Jubbaland.?. Waana taas ayuu yiri sababta ay Daaraha uga iibsanayaan Nairobi, ugana horjeedaan horumarka Jubbaland, aadna la yaabi doonin marka aad weydiiisid halka ay joogaan caruurtooda iyo qoysaskooda.

Ad

Wuxuu ku dooday in Ogaadeenka Absame ee Jubbooyinka dega muddooyin badan lagu tuntay xuquuqdoodii markii ay boobeen dadka beeshaas u dhashay ee ka kala yimid Itoobiya iyo Kenya. “Ma aha wax lala yaabo in dowladda Kenya ay dhaliso heshiiskan ayna taageerto calooshood u shaqeystayaasha Ogaadeen..” ayuuna sii daba dhigay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON