Monday, June 23, 2025

Faarax Macalin: “Axmed Madoobe, C/weli Gaas iyo Shariif Sakiin waa in la mariyaa Wadaddii Cabdi Iley..”

Siyaasiga reer Kenya ee Hoggaamiyihii hore ee Aqlabiyadda Baarlamaanka Dalka Kenya Faraax Macallin ayaa si weyn u weerarray madaxda dowlad Goboleedyada Soomaaliya, isagoo soo jeediyey in la bedelo saraakiisha ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya.

Faarax Macalin oo si weyn u taageera hoggaanka dowladda Soomaaliya ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo uu xilalkii ka qaaday taliyeyaashii Tigreega (TPLF) ka tirsnaa AMISOM oo xiriir la lahaa kooxda Alshabaab, sida uu yiri wuxuuna intaas ku daray in maalmihii Alshabaab ay soo dhammaadeen.

“Talalabada xigta waa in Agoonta Tigreega (TPLF) ee loogu yeero Madaxda maamul Goboleedyada, sid Madoobe, Gaas Sakiin hadda meesha laga saaro oo ay u danbeeyso sidii Cabdi Iley..”

 

Faarax Macalin ayaa dhowaan tegay magaalada Jigjiga, wuxuuna ka mid yahay siyaasiyiintii taageeray maxkamadihii islaamiga iyo garabkii tegay dalka Eritrea, isagoo kadib taageere weyn u noqday madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON