Tuesday, June 24, 2025

Faarax Macalin oo ku baaqay in ciidamada Itoobiya iyo Kenya ee AMISOM laga saaro Soomaaliya [Akhri]

Siyaasiga reer Kenya. horena u soo noqday guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin ayaa si kulul uga hadlay ciidamada dalalka safka hore ee ka tirsan AMISOM.

Siyaasiga oo dhowaan Muqdisho u yimid arrimo siyaasadeed ayaa sheegay in kartida dowladda Soomaaliya ay ku xiran tahay awoodda ay u yeelato inay dalalka deriska ah ka joojiso faragelinta ay ku hayaan arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

“Dalalka qaarkood oo ciidamadooda ku shaqeynayaan magaca AMISOM ayaa ah kuwa argagixisada dhabta ka  wada gudaha Soomaaliya” ayuu yiri Faarax Macalin oo intaas sii raaciyay in ciidamada safka hore ee AMISOM ka mida lagu bedelo ciidamo ka socda dalalka Chad, Koonfur Afrika iyo dalalka kale si aan dib u dhac lahayn.

Faarax Macalin oo ka tirsan Baarlamaanka Kenya ee dhinaca mucaaradka ayaa dhowaan la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON