Faarax Macalin oo kamid ah Siyaasiyiinta Soomaalida ee kasoo jeeda Kenya ayaa si kulul uga hadlay go’aanka ay shaqsiyaadka mucaaradka ku ah Dowladda Soomaaliya ku duminayaan Qaranka Somalia.
Faarax Macalin waxa uu sheegay inay nasiib daro tahay in shaqsiyaad raja ka qaba inay maamulaan Somalia, ay hadana ku faanaan inay yihiin Jawaasiis shisheeye ay dhaqaale ku qaatan duminta dalkooda. Faarax waxa uu sheegay inaanu jirin sharci dhigaaya “Xasaanad furan’’ balse diblomaasiga iyo Siyaasiga madaxa bannaan ay leeyihiin xasaanad cayiman oo aanu sharci ka boodi karin.
Siyaasiga Faarax Macalin oo wareysi siiyay TV-ga RTN ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Soomaaliya ay kusii noolaadan shaqsiyaad ku faanaya inay yihiin Jawaasiis shisheeye oo dhibaateynaya Qaranimada Somalia, wuxuuna tilmaamay inay mudan tahay in sharciga lala tiigsado.
“Ninka qaaday mas’uuliyadda ee ku dhaartay kitaabka alle inoo qaado talaabo lamid ah tii lagu weeraray C/raxmmaan C/shakuur waxba kama qabo waana arrin muhiim ah oo loo baahan yahay’’ ayuu yiri Faarax Macalin oo si dadban u weerary siyaasiyiinta uu ka mid yahay C/raxmaan C/shakuur.
Waxa uu sheegay in shaqsiyaadka ku faana inay u shaqeeyan shisheeyaha uu kamid yahay Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cumar C/rashadii oo la ogyahay inuu la shaqeeyo Imaaraadka iyo dowlado kale, sida uu hadalka u dhigay.