Siyaasiga Faarax Macalin Dawaare ee hore u soo noqday guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya ayaa jawaab culus u diray Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo dhowaan Soomaaliya ku eedeeyay inay ciidamadeeda ku xadgudbeen qaranimada iyo madax bannaanida dalkiisa.
Qoraal uu Faarax Macalin soo dhigay baraha bulshada ayuu ku sheegay in wax lala yaabo ay tahay in madaxweynaha Kenya uu ku qeyliyo in ciidamada Soomaaliya ku xadgudbteen Kenya, isagoo gudaha Kenya ku haya kuna hubeynaya hoggaamiye kooxeed baxsad ah -C/rashiid Janan-, ciidamadiisuna ay ku caawinayaan madaafiic ay ku ridayaan Soomaaliya.
“Kenya waxay hubeyneysaa hoggaamiye kooxeed baxsad ah, kadibna waxay u ogolaaneysaa inuu gudaha dalka Kenya ka weeraro Soomaaliya iyadoo ku taageereysa duqeyn ay Soomaaliya ku qaadayaan ciidamada Kenya. Markii ay Ciidamada Qaranka Soomaaliya ay is-difaacaan oo ay rasaas ugu jawaabaan, Uhuru wuxuu ku cabaadayaa in Soomaaliya ay soo weerartay dhulka Kenya. Allaha na bad-baadiyo,” ayuu Faarax Macallin.
Wuxuu intaas ku daray in xiisadda Kenya iyo Somalia ay saameynta ugu xun ku yeelanayo dadka dadka Waqooyi Bari Kenya oo horeba ay Alshabaab dhibaato ugu hayeen, loona baahan yahay in dowladda Kenya uu miyirkii usoo laabto si looga hortago dad badan oo dhinta.