Guddoomiyaha hey’adda cilmi-baarista badda Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax-qare) ayaa kashifay qodob halis ah oo ku jira heshiiskii qeybsiga kheyraadka Badda ee dhinaca kalluumeysiga oo dhowaan saxiixeen madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada.
Faarax Qare ayaa sheegay in heshiiskaasi qodobkiisa ugu weyn uu ka hor imaanayo sharciga Badda ee soo baxay sanadkii 2014, kaasoo kalluumeysatada Soomaalida siinaya inay keligood ka kalluumeystaan masaafo dhan 24 Meyl, wixii shati kalluumeysi la siinayana ay tahay in la siiyo wixii ka baxsan 24 Meyl.
Dowladda Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada dalka ka jira, ayaa sabtidii heshiis ku meel gaar ah ka gaaray, qeybsiga dakhliga kasoo xarooda bixinta rukhsadaha kalluumeysiga.
DHAGEYSO WAREYSIGA VOA-da