Shaqaaqadii dhowaan ka dhacday xarunta Doorashada magaalada Jowhar ayaa noqotay imtixaan weyn oo horyaala Guddiyada Doorashada hee Gobol iyo heer Federaal.
Kursiga la isku fara saaray wuxuu ahaa kursigiig jufada Jidle/Gugundhabe oo ay ku loolamayeen wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Maxamed C/llaahi Xasan Nuux iyo Axmed Shiikh Nuur Foodcade. Foodcade ayaa ku hormaray wareegii koowaad, waxaana caddaatay inuu ku guuleysan doono doorashada.
Musharax Axmed Shiikh Nuur Foodcade ayaa ka mida taageerayaasha ugu dhow madxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Shaqaaqada ka dhacay doorashad Kursigan oo wareegii koowaad looga cod batay wasiir Nuux ayaa dusha loo saaray ilaalada wasiirka iyo taageerayaasha ku sugnaa hoolka shirka, waxaana ka dhashay qasaare lagu dhaawacay ilaa lix qof iyo in dib loo dhigo Doorashooyinkii Jowhar ka socday.
Goobjooge.com ayaa ogaatay in wasiir Nuux ka tirsan yahay taageerayaasha madaxweynaha, isla markaana uu taageero ka heysto kooxda Damjadiid, iyagoo is tusay inay carqaladeeyaan doorashada intii looga guuleysan lahaa.
Guddiga Doorashada heer gobol iyo heer Federaal ayaa laga sugayaa inay go’aan ka gaaraan arrintan oo noqon doonta imtixaan lagu kala ogaanayo kartida Guddiyada Doorashada ee jira inay awood u leeyihiin qaadasha go’aano adag inay ka shidaal qaataan madaxtooyada.
Hore waxaa musharaxnimada looga xayuubiyay musharax lagu eedeeyay inuu weerar ka geystay magaalada Baydhaba, waxaa kaloo jira eedeyn loo jeediyay wasiir ka tartamayay magaalada Kismaayo oo aan go’aan weli laga gaarin, laakiin haddii Guddiga Doorashada musharaxnimada ka xayuubin waayo wasiir Nuux waxay noqon doontaa mid caddeyn u ah in Guddiyada Doorashada ay yihiin shaqaalaha Madaxtooyada oo u adeega kooxda Xasan Sheekh.
Kadib falkii habeenimadii Jimcaha ee 18-ka Novembar ka sameeyaan xarunta doorashada Jowhar wasiir Nuux iyo kooxdiisa waxay keentay olole ka socda baraha bulshada oo looga dalbanayo guddiga Doorashada inay wasiirka ka saaraan musharixiinta aqalka hoose.
Goobjooge.com