Madaxweynaha Mareykanka ee xilka kasii degaya Donald Trump ayaa fadeexad cusub lugaha la galay markii la baahiyey wadahadal telefoonku ku dhex maray isaga, lataliyeyaashiisa iyo xoghayaha maamulka Gobolka Georgia.
Wahadalka oo cod ah waxaa markii ugu horeysay baahiyey Wargeyska Washignton Post, wuxuuna Madaxweyne Trump ku cadaadinayaa Xoghayaha Gobolka Georgia Mr. Brad Raffensperger inuu raadiyo codad u saamaxaya inuu ku guuleysto Gobolka Georgia oo uu doorashadii uga horeeyay Madaxweynaga ka doortay.
Trump ayaa si adag ugu cadaadiyey xoghayaha Gobolka Georgia Brad Raffensperger oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga inuu ka shaqeeyo sidii meesha looga saari lahaa guusha Joe Biden, kadibna loogu dhawaaqo inuu isagu ku guuleystay.
“Waxaan kaliya doonayaan inaad ii hesho 11,780 cod..” ayaa ka mid ahaa hadalkii uu Trump ku yiri Brad Raffensperger, sida uu muujinayo codka laga duubay wadahadalka. (Halkan ka dhageyso wadahadalka.) laakiin Xoghayaha Goergia ayaa ku celceliyay una sheegay Trump in codadka la dhiibtay ay sax yihiin, wax caddeyn ahna aan loo Heyn sheegashada ah inuu ku guuleystay Doorashada Gobolka Georgia oo saddex jeer ah dib gacanta ugu tiriyeen codadkii la dhiibtay.
Arrintan waxaa si weyn u cambaareeyay madaxda Xisbiga Dimoqraadiga oo ku tilmaamay awood adeegsigii ugu xumaa ee si sharci darro ah uu madaxweyne xil haya ku dhaqaaqo, waxayna qaarkood ku baaqeen in baaritaan lagu sameeyo.
Madaxweyne ku xigeenka la doortay ee Mareykanka Kamala Harris ayaa hadallada Trump ku tilmaantay ku xadgudub awoodeed.
