Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in fadeexad ay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ku qabsatay madaxweynaha xilka laga qaaday ee Cali C/llaahi Cosoble.
Laba diyaaradoo oo ay kala wataan Cali C/llaahi Cosoble iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabeele Cismaan Barre Maxamed oo ka tegay Muqdisho ayaa isku mar ka degay Garoonka, waxaana si weyn loogu soo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Madaxweynaha xilka laga qaaday ayaa la sheegay inuusan helin wax soo dhoweyn ah oo dad kooban ay soo galbiyeen iyadoo lagu qaaday gaari caadi uu watay mid ka mida saaxiibadiis, halka guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle ay si weyn u marxabeysiiyeen xildhibaano goobta tegay, isla markaana lagu qaaday gaari aanay rasaastu karin.
Xaaladda ayaa kacsan magaalada Jowhar oo ay hareysay loolanka siyaasadeed ee ka dhashay xil ka qaadista shalay ka dhacday magaalada ee kalsoonida loogala noqday Cali C/llaahi Cosoble.