Imaaraadka ayaa fadeexad weyn ku soo baxday kadib markii saraakiil sirdoon oo Mareykan ah ay sheegeen inuu ka dambeeyay weerarkii lagu qabsaday warbaahinta dalka Qatat.
Saraakiisha Sirdoonka Mareykanka ayaa laga soo xigtay in dalka Imaaraadka Carabta uu ka dambeeyay weerarkii dhinaca internetka ee lagu jabsadya hay’adaha warbaahinta dalka Qatar, kaasoo keenay xiisadda ka taagan dalalka Khaliijka.
Sida ay qortay jariirada Washington Post, Imaaraadka Carabta ayaa ku kacay falkan, inkastoo aan la caddeyn inay iyadu fulisay iyo in koox kale ay qandaraas ku siisay, waxaana fadeexadan ay muujineysaa in xiisadda siyaasadeed iyo go’doominta dalka Qatar ay ahayd mid la abuuray.
Aakhirkii Bishii May ayaa waxaa dhacay in Wakaalada wararka dalka Qatar ay baahiso war laga soo xigtay amiirka dalkaasi oo lagu weeraray dalalka Khaliijka, isla markaana lagu taageeray dalka Iiraan, iyadoo dowlada Qatar ay sheegtay in la jabsaday barta internetka ee Wakaalada wararka Qatar iyo barteeda twiterr-ka laguna baahiyay wararka been abuurka ah.
Inkastoo ay Qatar beenisay wararkaasi, waxaa olole ahaan u adeegsaday dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka oo markii danbe ku soo rogay xayiraad, iyadoo dhinaca kale ay sirdoonka Ingiriiska iyo Mareykanka tageen dalka Qatar oo ay baaritaan ku sameeyaan weerarka internetka ah ee lagu qaaday dalka Qatar.
Fadeexadan ayaa sii caddeyneysa qorshaha Imaaraadka Carabta ee dalka Qatar iyo doorka ay ku leedahay kicinta xiisadda ka taagan Khaliijka.