Dowladda Soomaaliya ayaa 15-kii Bishan shaaca ka qaaday inay qabatay Markab si sharci darro ah uga kaluumeystay Xeebaha Soomaaliya, siiba meel aan ka fogeyn Magaalada Muqdisho, markabkaas oo sahaydu ka go’aday ayaa ku soo xirtay dekadda Muqdisho si uu sahay uga qaato. Xaalada markabka waxaa ka war helay dowladda oo xayirtay markabkan, sida uu warbaahinta u sheegay Agaasimaha Agaasimaga Guud ee Kaluumeysiga iyo kheyraadka dalka mudane Axmed Maxamed.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka dalka ayaa intaasi ku daray inay Markabka saarnaayeen shaqaale gaaraya 37 iyo 130-tan oo kalluun ah. Kaluunka saaran markabka ayuu agaasimuhu qiimihiisu ku qiyaasay 1.7 Milyan oo Doolar. Agaasimaha iyo xeer ilaaliyaha ayaa booqday markabka wuxuuna sheegay in Maxkamad la soo taagi doono, dowladuna la wareegtay kaluunkii saarnaa.
Codka Agaasimaha ayaad iminkaba ka dhageysaneysaan boggan isagoo faahfaahinaya markabka arrintiisa.
HADDABA MARKABKII HALKEE KU DANBEEYAY MAXAASE XAALKIISA KA SOO KORDHAY?
Goobjooge.com waxay soo xaqiijisay in markabkii la sii daayay iyadoo aan wax maxkamad ah la keenin, saxaafadna loo soo bandhigin wixii keenay in la fasaxo, isla markaana aan wax war ahi ka soo bixin wasaaradii howshan qaabilsaneyd iyo Xeer ilaalinta amarka soo saartay!!!!.
Markabka oo lagu magacaabo Amal Amiira lagana lahaa dalka Yeman, waxaa saarnaa shaqaale gaaraya 37 ruux oo 4 kamida ay Kenyaati tahay inta kalena Filibiin iyo Asian Shaqaaalaha dekadda waxay noo sheegeen in Markabka oo xayiran ayna saaran yihiin askar ilaalo ah, amar kale ka soo baxay hay’adihii markii horeba heystay, sarkaalka Turkiga ah ee Dekaddana uu amar ku bixiyay in la fasaxo markabka sidaasina uga furta dekadda. Waxaa xusid mudan markaas ka hor in shixnadii kalluunka ahayd ee markabka lagu qabtay lagu wareejiyay markab kale.
Warar aan si buuxda loo xaqiijin ayaa sheegaya in markabka fasixiisa laga amray madaxtooyada isla markaana u jiro heshiis hoose oo dhaqaale lagu bixiyay, taasi oo haddii ay jirto noqon doonta fadeexad kale oo dowladda Soomaaliya lugaha la gashay. Waxaa iska soo daba dhacaya wararka ku saabsan halka la mariyay markabkii ay dowladu ku faantay inay maxkamad soo taageyso.
Waxaa jawaab looga fadhiyaa Wasaaradda Kaluumeysiga, siiba agaasimahii guud ee warkan umadda u sheegay iyo xeer ilaalinta inay shacabka u caddeeyeen halkii Markabkaasi ku danbeeyay, sidoo kale waxaa saxaafada Muqdisho saaran waajib weyn oo ah inay daba galaan arrimahan oo kale si ay umadda ugu soo bandhigaan waxa ka dhacaya dalka, waxaa kaloo mas’uuliyadda koowaad ka saaran tahay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed.
Goobjooge.com waxay ku dhex jirtaa weli baaritaanka oo aanu a kaashan doono jihooyin badan.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]