Monday, July 14, 2025

Fadeexad Puntland ka raacday Qaadka Kenya ee ay u fasaxday Degaanadeeda

Maamul Goboleedka Puntland ayay fadeexad ka raacday Qaadka ka yimaada Kenya ee ay u fasaxday degaanadeeda iyagoo jebisay go’aankii dowladda Federaalka.

Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegay in diyaaradihii Qaadka aysan maanta ka degin degaanada Puntland sida Gaalkacyo, Boosaaso iy Qardho kadib markii dowladda Soomaaliya ay cadaadis saartay waaxda duulimaadyada Kenya.

Waxaa dhacday in degaanada Puntland la keenay Qaad ka yimid magaalada Laascaano oo Somaliland ay maamusho iyadoo Gawaari Qaadkaasi lagu geeyay magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso, laguna iibinayay qiime sare.

Weriye Jaamac Dabaraani ayaa soo weriyay inuu Buunada Garoowe ku arkay qaar ka mida haweenka qaadka ka ganacsada oo ka cabanaya, qiimaha lagu iibinayo qaadka dhulka lasoo mariyey oo gaaray 800.000Shs.

Magaalada Laascaanood oo Puntland ay sheegatao ayaa waxaa awood milateri kula wareegay Somaliland sanadkii 2007.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON