Friday, June 27, 2025

FADEEXAD: Wakiilka Mareykanka oo faragelin kala qeybin ah ku sameeyay Baarlamaanka Soomaaliya

Dowladda Mareykanka  ayaa tallaabo aan hore loo arag qaaaday kadib markii ay faragelin ku sameysay Baarlamaanka Soomaaliya, si ay ugu qanciyo, cadaadis ugu saarto inaysan waxba ka bedelin heshiiska qaabka doorashada ee ay gaareen madaxda maamulada dalka iyo madaxda dowladda Federaalka.

Wakiilka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya David H. Kaeuper ayaa kala qeybin qabyaaladeed ku sameeyay Guddiga Baarlamaanka ee dib u eegista heshiiska doorashada, isagoo maanta ugu yeeray xubnaha guddiga inuu la kulmo si beel beel ah.

Guddiga Baarlamaanka u saaray dib u eegista heshiiska Doorashada oo gaaraya 30 xubnood ayaa shirar kala gaara la yeelanaya safiirka Mareykanka, waxaana guddiga oo beel beel u socda ay qaarkood soo dhameysteen shirkii uu ugu yeeray Safiirka Mareykanka.

Arrintan oo ah mid aan hore loo arag oo Mareykanku ku kala qeybinayo Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ujeedkeedu yahay in Baarlamaanka la marsiiyo heshiiska doorashada oo aan waxba laga bedelin, taasoo guddiga ay ka diideen madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.

Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa la sheegay inay Mareykanka ka codsadeen cadaadis uu saaro guddiga Baarlamaanka oo wax ka bedel ku sameeyay heshiiska Doorashada, kadib markii ay iyagu u caal waayeen arrintan.

Waa faragelintii ugu xumeyd ee Baarlamaanka Soomaaliya uga timaada dibadda siiba dowladda Mareykanka oo ka mida dalalka saameynta weyn ku leh arrimaha Soomaaliya

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON