Monday, July 14, 2025

KASHIFAAD: Wasaaradda Maaliyadda oo Bankiga Dhexe kala baxday lacag uu lahaa Maamulka Gobolka Banadir

Xogta ay heleyso Goobjooge.com ayaa sheegeysa in lacag uu lahaa maamulka Gobolka Banaadir, taasoo dhacday bishii hore kadib muddo uu  guddoomiyaha cusub ee Gobolka Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani) dadaal u galay in ururinta dakhli badan.

Wasaaradda Maaliyadda oo maamusha Bankiga Dhexe isla markaana awood  u leh inay la baxdo dhaqaale kasta oo Bankiga yaala ayaa la sheegay inay u baahatay lacagta, markii la arkay in maamulka cusub uu lacago badan ku xareeyay xisaabta uga furan Bankiga Dhexe.

Guddoomiye Boorsaani ayaa la sheegay inuu lacagtaas uruurin ku hayay si uu howlo dib u dhis iyo deymo lagu lahaa maamulkiisa ugu bixiyo, waxaana lacagta oo indhaha wasaaradda Maaliyadda  soo jiitay ay gaartay Hal Milyan oo doolar (1,000, 000 $).

Wasaaradda Maaliyadda ayaan la tashan, wax ogeysiin ahna siinin maamulka Gobolka Banaadir, taasoo si weyn uga careysiiyay Guddoomiyaha Gobolka, laakiin waxaa loo sheegay in dib loogu soo celin doono deyn ahaan, waxaana arrintan si hoose isula ogaa madaxweynaha iyo wasiirka maaliyadda.

Waa jugtii ugu xumeyd ee Guddoomiye Boorsaani ku dhacda intii uu xilka qabtay, wuxuuna ku guuldareystay inuu wax tallaabo ah qaado.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON