Wednesday, July 2, 2025

Fadhiyadii Baarlamaanka Soomaaliya oo u xayiran madaxda sare ee dowladda Federaalka

Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar ayaa sharaf dhac ku tilmaamay baaqashada cod u qaadista mooshinka Jubba oo mar kale maanta socon waayay kadib markii tirada xildhibaanada yaraatay oo ay gaari waayeen kooram.

GUDDOONKA-BAARLAMAANKA

Isagoo war kooban saxaafadda siiyay ayuu Jeylaani shaaciyay in baaqashada kulamada Baarlamaanka ku yihiin sharaf-dhac jiritaanka Baarlamaanka, wuxuunasheegay in shir degdeg ah arrinran ay  yeelanyaan guddiyada Baarlamaanka oo go’aan laga gaari doono.

Fadhigii maanta ee Baarlamaanka ee ayay soo xaadireen 131 Xildhibaan, iyadoo la doonayay inay kulanka fadhiyaan  139 xildhibaan si cod loo qaado shirkuna u furmo. Madaxda dowladda iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa dejiyay qorshe lagu curyaaminayo Baarlamaanka fadhiyadiisa si aysan u dhicin in cod loo qaado mooshinka laga keenay baarlamaanka loo sameeyay maamulka Jubba.

Akhri: XOG: Sidee Guddoomiyaha Baarlamaanka u fashiliyaa fadhiyada Baarlamaanka ee Mooshinka Jubba?

Xildhibaanada qaarkood  ayaa ku doodaya in la siyaasadeeyay mooshinkii Jubba  oo la doonayo in lagu  curyaamiyo Baarlamaanka laguna xumeeyo sharaftiisa, hase yeeshee waxaan laga war sugayaa halka uu ku danbeyn doono Mooshinkan Jubba laga keenay ee hor yaalla baarlamaanka.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON