Fanaanka caan ka ah Soomaalida oo Galabta ku geeriyooda Magaalada Hargeyesa

Fannaanka caan ka ah dadka Soomaalida dhecooda ayaa galabta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa sida ay xaqiijiyeen ehelada Fannaanka.

Allaha u naxariistee fanaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Shey Mire Dacar ayaa u geeriyooday xanuun muddooyinkan hayay. Waxaana geerida fanaanka Shey Mire Dacar u sheegay BBC-da walaakiis Caabi Mire Dacar oo isna fanaan ah.

Fannaanka ayaa  la sheegay inuu  in muddo ah  xanuunsanaa. Shey Mire Dacar wuxuu ka bilaabay fanka magaalada Ceerigaabo 1980-meeyadii, kadibna waxa uu u gudbay magaalada Boosaaso.

Muddooyinkan dambe waxa uu ku noolaa magaalada Hargeysa oo uu heeso iyo bandhig faneedyo badan ku sameeyay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON