Monday, June 23, 2025

Fannaan Caan ah oo Xaramka Maka Almukamara uga dhawaaqay inuu ka baxay Fanka [Akhriso]

Fannaanka caanka ah ee Axmed C/kariin Maxamd (Axmed Biif) ayaa ku dhawaaqay inuu gebi ahaan ka baxay Fanka.

Fannaanka hore oo Cumro u jooga Xaramka barakeysay ayaa farriin uu soo diray ku sheegay inuu gebi ahaan ka baxay fanka isagoo dembi dhaaf Alle weydiisay, isla markaanna ballantan aanu ka bixi doonin.

AKHRISO FARRIINTA AXMED BIIF

Ad
“Asc dhamaan Asxaabta iyo ehelkaba aad baan idiin salamaya salaan kadib waxa la galay tobankii ramadanta ugu khayrka badna waxa kujira hal habeen oo ka khayr badan 83 sanadood walalayaal si ilaahay habeenka inoo waafajiyo laylatul qadriga aynu is cafino dhamaan ummadda muslimiinta agtayda cafis baad ka tihiin idinkuna ilaahay dartii isoo cafiya ii nasoo duceeya aniguna ka daalimaayo ducadiina maadaama aan joogo meeshii aduunka ugu khayrka badnayd EE HARAMKA MAKA ALMUKARAMA.. Waxaan kaloo idiin cadeynayaaa inaan fankii gabi ahaanba ka baxay .balan cadna aan alle lagaley inuuu danbigayga dhaafo iina naxatiisto hadii aan kabixi jirey balan aan bani adam lagaley walalayaal balantan ALLE ayaan lagaley cafis baan weydiisayaa rabbigey iyo janno cidina igama xigto yaa raxiim yaa raxmaan yaa qafuur aaamiin aamiiin Aamiiin”

 

GOOBJOOGE

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON