Waxaa xalay isbitaal ku yaalla magaalada Mainz ee dalka Germany ku geeriyooday Fannaankii caanka ahaa ee Soomaaliyeed Cabdi Cali Bacalwaan oo muddooyinkii danbe xanuunsanayey.
Fannaanka oo ka mid ahaa Hobollada Qaranka ee Waaberi ayaa in muddo ah ku noolaa dalka Jarmalka oo uu ku xanuunsanayay, waxaana la sheegay in isbitaal la dhigay markii xaaladiisu noqotay mid culus oo koomo uu galay, kadibna uu geeriyooday xalay xilli dambe.
Wararka ayaa sheegaya in sheegay inuu Fannaanka u geeriyooday cudurka Covid-19 oo ku dhacay, isagoo hore hore u qabay cudurro kale.
