Fannaaniin caan ka ah Soomaalida dhexdeeda ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay.
Fanaaniinta kala ah Cabdi Holand iyo Cabduwahaab Maxamed Booska ayaa maanta ka degay Garoonka Muqdisho, iyadoo ay soo dhaweeyeen Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Fanaaniin, abwaanno iyo dadweyne.
Labada fannaan ayaa la geeyay Xarunta Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed ee burbursan, halkaasoo ay saxaafadda kula hadleen.
Wararka ayaa sheegaya inay Muqdisho ka dhigi doonaan Bandhig Faneedyo ku sabasan Maalmaha Ciida iyo xoriyadda dalka. Fanaanka Cabdi Holand ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu Muqdisho yimaado.
Waxaa kaloo Muqdisho laga filayaa inay soo gaaraan fannaaniin kale sida Hani UK, Mustaf Karaama iyo kuwo kale.