Tuesday, July 15, 2025

Fannaanka Cali Dhaano oo beeniyay in Kismaayo lagu sumeeyay, kana soo degay MuqdIsho [Dhageyso]

Fannaanka ku caan baxay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ee  Cali Bashiir Cabdi (Cali Dhaanto) ayaa beeniyay in la sumeeyay ama xaaladiisa caafimaad ay liidato, sida lagu baahiyey baraha bulshada.

Fannaanka oo kasoo qeyb galay munaasanad kaa dhacdcay magalada Kismaayo ayaa ka degay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho,, wuxuuna sheegay inay been abuur yihin wararka lagu sheegaya in xaaladiisa Caafimaad ay halis ku jirto.

Wuxuu caddeeyay in isaga iyo xubno la socda ay magaalada Kismaayo ku sugnaayeen mudo toddobaad ah, isla markaana ay maanta si caadi ah dib ah uga soo laabteen Muqdisho iyaga oo aan wax dhibaato ah qabin.

Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in xaaladiisa Caafimaad ay tahay mid wanagsan,waxa uuna ugu baaqay dadka Baraha Bulshada isticmaala in aysan faafin wararka been abuurka ah. Wuxuuna sheegay in warar badan laga baahiyey xaaladiisa oo marla shaaciyey inuu geeriyooday.

DHAGEYSO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON