Farmaajo oo 100 maalmood kadib ka hadlay xaaladii qabsatay markii uu la wareegay Kursiga Villa Somalia

0

Madaxweyanha Soomaaliya oo ay maanta u dhammaatay 100 maalmood oo si rasmi ah uu kursiga madaxtooyada Villa Somalia kuga fadhiyay ayaa ka xalay xaaladda dowladda uu dhaxlay.

Wuxuu sheegay in xaalad aad u adag uu la kulmay oo dhinac waliba leh, wuxuuse sheegay inuusan oran karin meel eber ah ayaan imid, isagoo intaasi ku daray in xaalado adag ay horyaallaaan dowladda uu hoggaamiyo.

“Runtii waxaan dhaxlay xaalad aad iyo aad u adag oo dhinac waliba leh, xaaladda Amniga aad ayay u liidatay, ka sokow dadaaladii dowladii hore ee la-dagaalanka argagixisada, weli Alshabaab waxay halis weyn ku yihiin ammaanka dalka… Isla markaa waxaan xaalad dhaqaale oo xukuumadda aanay awood u lahayn inay si joogto ah  bixiso mushaarka ciidamada; ciidankunu wuxuu u baahan yahay dib u dhis iyo qalabeyn.. Arrimaha adeegga bulshada, awoodda xukuumadda waa mid aad u kooban gaar ahaan dhinacyada waxbarashada iyo caafimaadka. Ma oranayo meel eber ah ayaa ka bilownay, laakiin caqabadaha na horyaalla aad ayay u badan yihiin marka loo eego awoodeena…” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa balanqaadyo badan sameeyay markii uu ololaha doorashada ku jiray, kuwaasoo intooda badan fuli waayay markii uu talada qabtay isagoo tafsiir iyo cudurdaarro kale u raadiyay.

Goobjooge.com