Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray Madaxweynihii la dilay ee dalka Chad Idriss Deby.
Farriinta tacsida ayuu Farmaajo ku yiri: “Anig oo ku hadlaya magaca dadka Soomaaliyeed, waxaan ku biirayaa guud ahaan qaaradda Afrika si aan tacsi ugu diro hoggaanka & shacabka dalka Chad geeridii ku timid Madaxweyne Idriss Deby”.
Farmaajo ayaa Madaxweyaha la dilay oo dalkaasi heystay muddo 30 sano ku tilmaamay nin Qaran oo ay Afrikaannimadu ku weyneyd, isla markaana dhintay isagoo difacaya dalkiisa.
“Wuxuu ahaa nin dowladeed oo dhab ah, Afrikaannimada u ololeeya, wuxuuna shahiiday dadkiisa iyo qarankiisa difaacaya..” ayuu farriinti kusoo gabagabeeyay Maxamed Farmaajo.
