Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay gogosha uu fidiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee wadatashi Qaran oo la mudeeyay 15-ka bishan June.
War-saxaafadeed uu soo saaray Farmaajo ayuu ku sheegay inay muhiim tahay in gogosha looga hadlo arrimaha masiiriga ah ee dalka, kuwaas oo ay ugu horreeyaan doorashada, amniga iyo Dastuurka.
“”Si gogoshan ay miro dhal u noqoto, waxaan adkaynayaa baaqyada ku aaddan in si dhammaystiran ay uga soo qeyb-galaan Madaxda Dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland oo tabasho uga maqnaa Madashii Wadatashiga Qaranka”.” ayuu qoraalkiisa ku yiri Farmaajo
Wuxuu kaloo sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud laga sugayo in uu ka laabto tallaabooyinka halka dhinac ee khilaafku ka taagan yahay.
Farmaajo ayaa sheegay in qodobada ay tahay inuu ka laabto Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo yiri”…laalidda dastuurka lagu doortay, ka shaqeynta shuruuc iyo guddiyo doorasho oo aan loo dhammayn iyo burburinta Madasha Wadatashiga Qaran”