Tuesday, June 24, 2025

Farmaajo oo farageliyay fadeexad ka dhacday Garoonka Stadio Muqdisho [AMISOM oo ogolaatay…]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo farageliyay fadeexad ka dhacay garoonka Kubadda cagta Stadio Muqdisho oo ciidamada AMISOM ay u diideen wafdi booqan laahaa.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu xiriir la sameeyay taliska AMISOM, isagoo amray in wafdiga loo ogolaado si degdeg ag inay galaan Garoonka, amarkaas oo wahadal kadib ay fuliyeen ciidamad AMISOM ee ku sugan Garoonka ciyaaraha ee Muqdisho oo hore u hos istaagay wafdi ka kooban saddex wasiir iyo guddoomiyaha kubadda cagta Afrika oo kormeer ku sameyn lahaa garoonkaasi.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Khadiija Maxamed Diiriye, Wasirka Amniga Maxamed Abuukar Islow iyo wasiirka Gaashaandhigga C/rashiid C/llaahi  oo uu wehliyo guddoomiyaha CAF Axmed Maxamed ayaa ciidamada AMISOM ay ka hor istaageen inay galaan garoonka.

Guddoomiyaha CAF ayaa waxaa u qorsheysan inuu Garoonka ka dhex jeediyo baaq ku saabsan inay AMISOM ciidamadeeda kala baxdo Garoonkaasi.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in wafdiga wasiirada iyo guddoomiyaha CAF hadda loo ogolaaday inay galaan Garoonka kubadda cagta ee Stadio Muqdisho. Dhinaca kale AMISOM ayaa u diiday saxaafadda inay gudaha u galaan garoonka.

Shilalka dhex maraya madaxda dowlada Federaalka iyo ciidamada AMISOM ayaa sii kordhaya iyadoo maanta ay AMISOM cudurdaar ka bixisay shilkii Garoonka diyaaradaha ee ciidamadeeda kula baxeen wasiir Maryan Qaasim.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON