Wednesday, June 25, 2025

Farmaajo oo Farriimo u kala diray Hay’adaha Ammaanka iyo Taageerayaashiisa [AKHRISO]

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa farriimo u kala diray Hay;adaha ammaanka iyo taageerayaashiisa.

Farmaajo oo Qoraalkiisii ugu horeeyay ee siyaasdeed soo saaray ayaa marka hore ka hadlay qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay inuu ilaah uga baryay intii ku dhimatay inuu Janada ka waraabiyo kuwa dhaawacmayna soo bogsadsaan.

“Innaa Lillahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya Magaca Gudoomiyaha Xisbiga Tayo, iyo keygaba waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo eheladii ay ka Geeriyoodeen dadkii shacabka ahaa ee iyaguna weerarkaasi Argagaxisada ah ku Geeriyooday ’’, ayuu yiri Farmaajo.

Farriinta kjoowaad wuxuu Farmaajo u diray ciidamada ammaanka oo uu sheegay in looga baahna saraakiisha Ciidamada Amniga dowlada in ay ka fekeraan weerarada ay Al Shabaab.

“Hey,adda Amniga waxaa looga baahan hayay in ay ka fikiraan Sugida Amniga Dadka Shacabka ah Marwalba oo ay weerara qaadaan waxaana Dowlada looga Baahan yahay in laga Hortago Weerarada Al Shabaab  maahan in Cambaareen oo kaliya Dowlada ku ekaato Maalin Walba waxa Dhinta oo Dhawacma waa Dadkeena Ayuu Yiri Mudane Farmaajo ’’.

Farriinta labaad ayuu Gudoomiyaha Xisbiga TAYO  Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku sheegay Shacabka Soomaaliyeed ee taageerayaashiisa ah inuu maalmaha soo socda uu soo gaari doono Magaalada Muqdisho, kadibana u sii gudni doono Gobolada Dalka

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON