Friday, July 18, 2025

Farmaajo oo Nairobi ku qabtay Xaflad lagu gelayo $100 & Khudbad uu ka jeediyay [Video & Sawirro]

Xaflad xalay lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lacago loogu ururiyay dadka Soomaaliyeed ee abaartu heyso.

Xafladan oo ahayd mid marii hore loogu talogalay soo dhoweynta madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa markii danbe laga dhigay in qofkii ka qeyb galaya uu bixiyo ugu yaraan 100 Doolar oo taageero ah.

Waxaa xafladda yimid mas’uliyiinta dowladda  Kenya, Ganacsato  iyo Soomaali fara badan. Waxaa kaloo ka qeyb galay xubno ka socday Bangiga aduunka iyo Hay’adaha samafalka ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi.

Madaxweyne Farmaajo oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu dareemayo culeyska uu leeyahya  xilka loo doortay. s “Anigu Farmaajo ahaan qabiil ma lihi waxaan ahay Soomaali, umada Soomaaliyeed oo dhan ayaan u dhexeeyaa. Sidaas oo kale ra’iisal wasaaruhu malaha qabiil waa Soomaali Sidaas ayaana ugu balanay inaan dalka ugu shaqayno.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii xafladu dhamaatay wada salaamay qofkasta oo xaflada joogay.

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing

Image may contain: one or more people and indoor

Image may contain: 1 person, indoor

Image may contain: 3 people, people sitting

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON