Monday, July 14, 2025

Feysal Cali Waraabe: “Dowlad kama jirto Somalia, waa inaan joojinaa wadahadallada aan kula jirno..”

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe oo maaanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ku baaqay in la joojiyo wadahadallada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, isagoo sheegay inaysan dowlad ka jirin Somalia.

Waraabe ayaa ku dooday in markii horeba ay khalad ahayd inay wadahadal la galaan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu sheega inaysan metelin Soomaalida Koonfurta, isagoo dowlada Somalia ku sifeeyay inay hoggaamiyeen wiilal yaryar oo Somaliland cadaawad u haya.

Faysal Cali Waraabe oo hadallo qaawan iyo aflagaado kala dul dhacay madaxda dowladda Somalia ayaa sidoo kale weerar ku qaaday maamulka Puntland oo uu sheegay inay yihiin beel qura oo is mooday inay dowlad weyn tahay, wuxuuna ku hanjabay inay awood u adeegsan doonaan.

Wuxuu guul ku tilmaamay socdaalka Muuse Biixi ee dalka Gini, isagoo xisbiga mucaaradka ee Wadani ugu baaqay inuu kala qeyb galo soo dhoweynta madaxweynaha Somaliland.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON